(August 20,2016) Laamaha amniga Gobolka Bari ee Puntland oo soo bandhigay rag ka tirsan Alshabab iyo Daacish (Video))

Laamaha amniga Gobolka Bari ayaa maanta kusoo bandhigay magaalada Bosaso saddex nin oo saxaafadda ka hor qirtay inay ka mid ahaayeen Ururka Alshabab iyo Kooxda Daacish , Balse go,aansaday inay isaga baxaan kooxaha ay ka tirsanaayeen.

Axmed Aadan Cabdulaahi Aw-Cabdi oo magaciisa xarakiga ah la yiraahdo (Shaafici) ayaa sheegey inuu muddo afar sano ah ka tirsanaa xoogaga Alshabab ee ku dhuumaalaysta buuraha Calmadow ee bariga Puntland , Isagoona intaas ku daray inuu markii danbe ku biiray kooxda magaceeda la yiraahdo Daacish balse ay ku qabteen kantaroolka Bosaso ciidamada Amnigu.

Ninka labaad oo magaciisa ku sheegay Muuse Aadan Maxamed (Gaal-dile)  ayaa sheegey inuu ka mid ahaa saraakiisha Kooxda Alshabab ee Koonfurta Somalia, Isagoona sheegey inay ku qabteen  ciidanka amnigu garoonka diyaaradaha magaalada Bosaso.

Halka uu ninka saddexaad uu magaciisa ku sheegay in la yiraahdo Cabdulaahi Ibraahim ayaa sheegey in muddo laga joogo 15 cisho ka hor uu kazoo fakaday Kooxda Alshabab ee saldhigyada qarsoon ku leh buuraha Calmadow ee Gobolka Sanaag .

Raggan qirtay inay ka tirsanaayeen Daacish iyo Alshabab ee maanta maamulka Gobolka Bari iyo laamaha amnigu Bosaso kusoo bandhigeen ayaa dhamaantood si isku mid ah u sheegay inay ku faraxsan yihiin inay ku jiraan gacanta maamulka Puntland, Iyagoona sheegay inay ka cabsi qabaan dhibaato uga timaada kooxihii ay ka tirsanaayeen.

Gudoomiyaha Gobolka Bari Yuusuf Maxamed Wacays oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in sharciga la marsiin doono cid kasta oo ka mid ah kooxaha dowlada kazoo horjeeda, Isagoona sheegey in cidii si wanaagsan isu soo dhiibta in si wanaagsan loola dhaqmi doono.

IMG_8238IMG_8239IMG_8240IMG_8242IMG_8243IMG_8245IMG_8252IMG_8260IMG_8262-816x544PUNTLAND POST