(August 21,2016) John Kerry oo booqasho ku tegey Kenya, kulamo la qaatey wasiirada arrimaha dibadda ee Bariga Afrika qaarkood (Sawiro)

Xogahayaha Arrimaha dibadda ee dalka Maraykanka John Kerry ayaa fiidnimadii xalay ee Axadda soo gaarey caasimadda Nairobi ee dalka Kenya, waa safarkiisi u danbeeyey oo ku tegaayo Kenya, Neyjeeriya iyo Sucuudi Caraabiya.

Kerry ayaa kulankiisi u horeeyey la qaatey Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta. Mr Kenyatta ayaa ka hadley xaaladda Soomaaliya iyo ka bixitaanka ciidamada AMISOM ee Soomaaliya marka la gaaro 2018.

Kenyatta ayaa u sheegay Kerry in Soomaaliya ka soo kabaneyso nabadgelyo xumadii hore, isla markaana xaaladda ay wax ka beddeleen ciidamda AMISOM, loona baahan yahay in Soomaalidu la wareegto amnigooda marka la gaaro 2018.

Xogayaha Arrimaha Dibadda ee Maraykanka John Kerry ayaa kulan gaar ah la qaatey Wasiirada Arrimaha Dibadda ee Kenya, Soomaaliya, Uganda iyo Suudaanta koonfureed, waxaana uu kala hadley Xaaladda dalalka Suudaanta Koonfureed iyo Soomaaliya.

Kerry ayaa sheegay in ay isha ku hayaan xaaladda dalka Soomaaliya iyo doorashooyinka soo socda, oo ay doonayaan in ay arkaan in doorashooyinku ku dhacaan jawi wanaagsan, lana hirgeliyo iyo asteynta baahida shacabka Soomaaliyeed.

Dhanka kale waxaa Kerry dalalka Afrikaanka ah ee ciidamada u diraya Suudaanta Koonfureed kala hadley sida loo dedejin karo wax ka qabashada xaaladda Suudaanta Koonfureed ee dib colaaduhu uga cusbonaadeen. Qaramada Midooobey ayaa go’aamiyey in maamulka Jubba loo diro 4000 oo askeri taas oo madaxweynaha Suudaanta Koonfureed ka soo horjeestey, waxaana uu beddelkeeda soo dhaweeyey ciidamo ka socda dalalka dersika la ah in loo soo diro.

Kerry ayaa ku dhawaaqey in Maraykanku ugu deeqayo Suudaanta Koonfureed $138 Milyan oo Dollarka Maraykanka ah taas oo lagu bixinaayo hawlaha samafalka iyo nabad ilaalinta.