(August 21,2016) Madaxweyne ku-xigeenka DDSI Marwo Sucaad Axmad Faarax oo daahfurtay Shirweynihii 1-aad ee Caafimaadka (Sawiro)

Waxaa ka furmay caasimada dawlada deegaanka soomalida itoobiya ee jigjiga gaar ahaan  madasha  shirarka ee qaryaan dhoodaan kulanwaynihii koowaad  ee daraasaadka iyo qiimaynta cudurada dayacan  ee ka dhasha kulaylaha.

Kulan waynahan ayaa waxaa ka soo qaybgalay madaxwayne ku xigeenka DDSI ahna wasiirka xafiiska Beeraha iyo horumarinta khayraadka dabiiciga ah marwo Sucaad Axmed Faarax, wasiirka xafiiska caafimaadka DDSI mudane Xasan Ismaaciil Cali, masuuliyiin ka socday wasaarada caafimadka JDFI oo uu hogaaminayay wakiilka wasaarada caafimaadka JDFI mudane Dr Taaye Toleera, masuuliyiinta xafiisyada caafimaadka deegaanada dalka iyo 2da ismaamul magaalo, masuuliyiinta ugu saraysa dhamaan jaamacadaha dalka, masuuliyiin ka socoday hay’aha caalamiga ah iyo masuuliyiin ka socotay wadamada aan dariska nahay.

Kulanwaynahan oo ay ujeedadiisu tahay sidii loo tir tirilahaa islamarkaan xal-waara loogu helilahaa cudurada dayacan ee ka  dhasha kulaylaha  ayaa waxaa maanta si rasima u furtay madaxwayne ku xigeenka DDSI ahna wasiirka  beeraha iyo horumarinta khayraadka dabiiciga ah marwo Sucaad Axmed Faarax oo ka warbixisay dadaalada dheer ee ay xukuumada DDSI u gashay xaqiijinta nabadgalyada deegaanka. Madaxwayne ku xigeenka ayaa sheegtay in markii deegaanku ku guulaystay hirgalinta nabadgalyada ay  u suurto gashay  fulinta qorshayaasha horumarka deegaanka. Waxa kale oo ay ka warbixisay madaxwayne ku xigeenku in xukuumada DDSI dadaal balaadhan u gashay sidii wax looga qaban lahaa cudurada dayacan ee kulaylaha ka dhasha gaar ahaan cudurka keena indho la aanta qofka taasi oo guul wayn laga soo hooyay ka dib markii ay dawladu miisaaniyad badan galisay. Madaxwayne ku xigeenka ayaa tilmaan dheerka bixisay sidii cuduradan layskaga kaashan lahaa tir tiridooda.

Dhankiisa waxaa ka hadlay furitaankii kulanwaynahan wakiilka wasaarada caafimaadka JDFI mudane Dr Taaye Toleera oo ugu horayntii u mahad celiyay xukuumada DDSI sida meeqaamka sare ee loogu dhaweeyay deegaanka iyo sida quruxda badan ee oo habeeyay kulanwaynahan. wuxuuna ka warbixiyay dadaalada ay JDFI iyo wasaarada caafimaadka JDFI ugu jirto sidii loo tir tirilahaa cuduradan. Wuxuuna sheegay masuulku in ay ka mid tahay qorshaha lagu tir tirayo iskaashiga hayadaha dawlada iyo hay’daha caalamiga ah ee aan dawliga ahayn ee ay bahwadaagta isku yihiin

Waxaa kale oo ka hadlay furitaankii kulanwaynahan isku dugaha guud  ee waaxda cudurada dayacan ee  hay’ada WHO mudane Dr Antooni Salamuun kaasi oo sheegay in  hay’adaha dawlada kuwa aan dawliga ahayn, xarumaha waxbarashada iyo jaamacaduhu  si wada jir ah iskaga kaashadaan tir tirida cudurada dayacan ee ay ka mid yihiin, Duumada/malaariyada, bakoorada iyo kaadidhiiga.

Kulanwaynahan ayaa socon-doona muda 6 maal-mood ah waxaana lagu soo bandhigidoonaa daraasaad, dood-cilmiyeed iyo qiimayn lagu soo sameeyay cuduradan dayacan. Waxaana la filayaa in ay kulanwaynahan  ka soo baxaan qorshihii lagu tir-tirilahaa cuduradan dayacan.

nogobnews.com

 

1.

 

2.

3.

4..

5.