(August 21,2016) Madaafiic Lagu Garaacay Xarunta Wasaaradda Gaadiidka, Cirka & Dhulka Ee Muqdisho. iyo Khasaaraha ka Dhashay

Dhowr madaafiic hoobiyeyaal ah ayaa ku dhacay xarunta Wasaaradda Gaadiidka Cirka iyo dhulka oo ku taal degmada Shingaani, iyadoo madaafiicdan ay sababeen khasaare kala duwan.

Sida ay sheegayaan warar aanu heleyno Madaafiicda ayaa gudaha xarunta ku dhacay, waxaana ay sababeen khasaarooyin kala duwan.

Wararka ayaa sheegaya in garaash ku dhegan Wasaaradda Gaadiidka oo baabuuro taalay ay ku dhaceen ilaa labo hoobiye, kadibna uu dab qabsaday.

Gawaarida Gurmadka deg mega ayaa ku howlan daminta dabka ka dhacay, lama soo sheegin wax khasaare nafeed dhaawac iyo dhimasho midna.

Dad ku sugan degmada Shingaani ayaa sheegaya in madaafiicda ay soo dhaceen abaarihii 2-dii duhurnimo, waxaana markii hore jirtay shaki ah in qarax uu yahay waxa dhacay.

Lama oga halka laga soo gamay madaafiicdan, iyo halka loola dan lahaa, iyadoo madaafiicdan ay dhacayaan xilli maalmahan magaalada Muqdisho uu howl gallo ka jiray