(August 21,2016) Madaxweynaha “Guuldarooyinka culus ee gaaray awgeed, ayay cadawgu rabaan inay shacabka u gumaadaan”

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa si kulul u cambaareeyay qaraxyadii saaka ka dhacay magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug, halkaasoo ay ku dhinteen in ka badan 20 ruux, halka tiro 50-meeyo gaareyso ku dhaawacmeen.

War saxaafadeed ka soo baxay Madaxtooyada ayaa lagu sheegay in markii guuldarooyin culus uu soo gaaray Al-Shabaab ay doonayaan inay gummaadka shacabka u adeegsadaan muujinta saameyntooda waa sida lagu yiri War saxaafadeedka.

Madaxweynaha ayaa ku tilmaamay shahiid dadkii lagu dilay qaraxyadii is-miidaaminta ahaa, waxaana uu xusay inuu dhowaan soo afjari doonaan Argagixisada.

“Dagaalka xaqa ah ee aan ku jirno ee hiilinta qiimaha nolosha dadka Soomaaliyeed wuu sii socon doonaa, waxaana idinku bishaareyneynaa in dhowaan la soo afjari doono, argagixisadana laga suulin doono geyiga Soomaaliya iyo gobolka Geeska Afrika oo dhan”, ayuu yiri Madaxweynaha.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in dadkii maanta shahiiday ay noloshooda qaaliga ah ku waayeen iyagoo dalkooda iyo shacabkooda u adeegaya, isagoo Allah uga baryey inuu naxaristii janno ka waraabiyo, qoysaskii, eheladii iyo shacabka ay ka geeriyoodeenna uu samir iyo iimaan ka siiyo.

Waxaa sidoo kale uu Madaxweynaha Ilaahay uga baryey dadkii ku dhaawacmey weerarkaasi waxashnimada ah inuu deg-deg caafimaad buuxa u siiyo.

Ugu dambeyn Madaxweynaha waxaa uu farey laamaha amniga ee Dowladda Federaalka iyo Dowlad Goboleedyada inay xoojiyaan dagaalka lagula jiro argagixisada oo haatan maraya weji gabo gabo ah.