(August 22,2016) Axmed Muuse Nuur: “ Qaraxyadii shalay ee Gaalkacyo Koofurta Magaalada ayaa laga soo agaasimay”.

Guddoomiye ku xigeenkii hore ee Maamulka Gobolka Mudug ee Puntland Axmed Muuse Nuur oo la hadlay Idaacadda Shabelle ee Magaalada Muqdisho ayaa sheegya in weerarada Al Shabaab ay ka fuliyeen Waqooyiga Gaalkacyo ay ka soo agaasimeen Koofurta Magaaladaasi Gaalkacyo oo ay maamulaan Galmudug.

Mr Axmed Muuse Nuur ayaa tilmaamay in Al Shabaab ay Saldhigyo ku leeyihiin Koofurta Magaalada Gaalkacyo ee ay gacanta ku hayaan Maamul Goboleedka Galmudug.

“ Puntland waxa ay kala garan la’dahay in Galmudug uu xiriir kala dhexeeyo Al Shabaab ama ay maaro u la’dahay in ay ka sifeyso Koofurta Gaalkacyo” ayuu yiri Axmed Muuse Nuur Guddoomiye ku xigeenkii hore ee Gobolka Mudug ee Puntland.

Waxaana weeraradii shalay ku tilmaamay Axmed Muuse Nuur in ay ahaayeen weeraro nuucooda oo kale ugub ku ahayd balse Cashirro laga baran doono.

Inkabadan 30 qof ayaa ku dhimatay weeraradii shalay  ka dhacay Waqooyiga Magaalada Gaalkacyo oo ay ka arrimiyan maamulka Puntland.

Weeraradaasi oo Masuuliyadooda ay dusha u riteen Dhaq dhaqaaqa Al Shabaab oo sheegay in waxyeello xoogan ay ku gaarsiiyeen maamulka Puntland.