(August 22,2016) John Kerry oo la kumay Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta (Video)

Xoghayaha Arrimaha Dibadda Mareykanka John Kerry oo booqasho ku jooga dalka Kenya ayaa la kulmay Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta, isagoo kala hadlay arrimaha gobolka iyo sidii xasilooni loogu soo dabaali lahaa.

Mr Kerry ayaa sidoo kale kala hadlay Madaxweynaha Kenya arrimaha qaxootiga iyo qorshaha Kenya ku dooneysay inay ku xirto xerada qaxootiga ee Dadaab, inkastoo ay ka laabatay go’aankaas.

Kerry ayaa lagu wadaa inuu u dhoofo dalka Koofurta Sudan, halkaasoo dhowaan dagaalo dib uga soo cusboonaadeen.

Sidoo kale John Kerry ayaa la filayaa ka hor inta aanu u duulin Koofurta Sudan inuu magaalada Nairobi kula kulmo Wasiirada Arrimaha dibada ee dalalka Bariga Afrika, waxaana uu ka mid ah Wasiirada Arrimaha Dibadda Soomaaliya C/salaan Cumar Hadliye.

Arrimaha Kerry kala hadlayo Wasiirada Arrimaha Dibada dalalka Bariga Afrika sidii gacan looga geysan lahaa xasilooni ku soo dabaalida Soomaaliya, iyadoo la isu diyaarinayo doorashooyin baarlamaan iyo mid Madaxweyne.

kerry-uhurukerry-uhuru1kerry-uhuru2kerry-uhuru3