(August 23,2016) Faahfaahin ka soo baxaysa wiil 8 sano jir Soomaali oo lagu dilay dalka Sweden (Sawiro+Dhegeyso)

Wiil 8 sano jir Soomaali ah ayaa lagu dilay magaalada Gothenburg ee Caasimada labaad ee dalka Sweden, kadib markii guri ay degenaayeen lagu tuuray bam gacmeed xilli ay hurdayeen.

Sida ay sheegayaan wararka wiilkan geeriyooday ayaa lagu magacaabaa Yuusuf Warsame, waxaana isaga iyo qoyskiisa ay booqasho ku joogeen magaalada Gothenburg, iyagoo ka yimid UK.

Falkan ayaa argagax iyo cabsi ku reebay Soomaalida degan magaalada Gothenburg, iyadoo aanay jirin cid loo soo qabtay, hase ahaatee Booliska ayaa sheegay inay wadaan baaritaan.

Guriga la weeraray ayaa waxaa degenaa qoys Soomaali ah oo horay wiilkooda loo xiray, kaasoo loo heysto dil, waxaana loo maleynayaa in weerarkan uu salka ku haayo xariga wiilkaas.

Sacdiya Furre oo loo yaqaano Sacdiya Soomaali oo ka mid ah Soomaalida degan Gothenburg ayaa u sheegtay Idaacada VOA in aanay jirin cid illaa iyo hada loo qabtay falkan, isla markaana Booliska ay baaritaan ku hayaan arrintan.

“Waxaa guriga bamka looga soo tuuray muraayada,  qoyska iyagoo hurdayay, wiil 8 jir ayaa ku dhintay, oo ay dhashay gabar marti u aheyd qoyska guriga la weeraray, reerka dhibka ku dhacay wiil baa ka xiran muddo sanad ah oo loo heysto dad la xiray”ayay tiri Sacdiya oo intaa ku dartay in carruurtooda ay iskuulada u dirin sababo ku aadan weerarkaas.

Sidoo kale waxaa ay sheegtay in Booliska ay u sheegeen in weerarkan uu daba joogo wiilka ka xiran qoyska ee loo heysto dad lagu dilay magaaladaas sida ay hadalka u dhigtay.


yusuf warsame yusuf warsame1 yusuf warsame2yusuf