(August 23,2016) Axmad Al-Faqi oo ka Qoomameeyay Bur burintii dhismayaashii Taariikhiga ee Timbuktu (Sawiro)

Ahmad al-Faqi al-Mahdi oo kamid ahaa Hogaamiyaashii Kooxda Ansaaru Diin ee ka dagaalanta Galbeedka Qaarada Afrika ayaa shalay lasoo taagay maxkamadda danbiyada caalamiga ee ICC ee kutaala dalka Holland.

Hogaamiyahan ayaa loo heestaa Dacwad la xariirta in uu galay dambiyo waa weyn uuna ka dambeeyay bur burintii dhismooyin taariikh fog lahaa oo ku yaalay magaalada Timbuktu ee kutaala dalka Mali .

Fatsou Bensouda oo ah Dacwad oogaha Kiiska Hogaamiyahan ayaa sheegtay in burburinta ay geesteen Kooxdii uu Hogaaminayay Ahmad al-Faqi al-Mahdi ay dhibaato weyn u gaysatay sharafta guud ahaan bulshada.

Ahmad al-Faqi al-Mahdi, oo 40-sano jir ahaa ayaa ka qoomameeyay sheegayna in uu aad uga xun yahay falkii lagu bur buriyay Dhismooyinkii Taariikhiga ahaa ee ku yaalay magaalada Timbuktu ay bur buriyeen koox uu kamid ah , waxa uuna falkaasii ka bixiyay raali galin.

Hogaamiyahan kooxda Ansaaru diin kamid ahaa ayaa ugu baaqay Muslimiinta kale in aysan ku kicin falkii ay sameeyeen oo kale kooxdiisa, waxa uuna Maxkamada Dambiyada Dagaalka Aduunka ka codsaday in la cafiyo.

Qoraal Maxkamada ICC soo badhigtay ayaa lagu sheegay in Ahmad al-Faqi al-Mahdi, uu kamid ahaa Culumada ay wax ka maqasho Kooxda Ansaaru Diin uuna amray in la bur buro Dhismooyinkii Taariikhiga ahaa iyo Qabuuro kuyaalay magaalada Timbuktu,

Hogaamiyahan Dacwadisa ka socoto Maxkamada Dambiyada dagaalka ICC ayaa dambiyada lagu heesto hadii lagu helo waxaa laga yaabaa in lagu xukumo 30-sao oo xabsi ah.

Dacwada lagu qaadayo Hogaamiyahan Islaamiga ah ayaa noqoneysa Kiiskii ugu horeeyay ee la horgeeyo Maxkamada ICC oo ku aadan dacwad la xariirta bur burin dhaqan iyo sidoo kale Hogaamiye katirsan Kooxaha loogu yeero argagaxisada.