(August 23,2016) Madaxweynaha Soomaaliya oo la kulmay dhaxal sugaha Dalka Imaaraadka Abu Dhabi

Madaxweynaha Dowladda Federaalka ee Soomaaliya mudane, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa wadanka isutagga iImaaraadka Carabta kula kulmay dhaxal sugaha Imaaraadka Abu Dhabi, Sheekh Maxamed Bin Sayid Al Nahyan, ahna ku xigeenka taliyaha ciidanka qalabka sida ee wadankaasi

Labada mas’uul  waxa ay kulankooda kaga wadahadleen xoojinta xiriirka labada dhinac, iyadoo sidoo kale ay isla soo qaadeen kor u qaadida iskaashiga ganacsig, horumarinta, siyaasadda iyo amniga.

Waxaa ay sidoo kale ay labadan mas’uul ka wada hadleen mashaariicda Imaaraadka Carabta uu ku taageerayo shacabka Soomaaliyeed, sida dib u dhiska wadanka iyo arimaha bulshada si Soomaaliya ay awood ugu yeelato horumar iyo deganaansho.
Madaxweynaha dalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa dhaxal sugaha Imaaradda Abu dhabi waxaa uu warbixin ka siiyay xaaladda Soomaaliya, gaar ahaan dadaalada dowladda ay ugu jirto sidii meesha looga saari lahaa kooxda xagjiriinta ah isla markaana wadanka loogu soo dabaali lahaa nabad iyo xasilooni buuxda.