(August 24,2016) Cali Khaliif Galleyr oo walaac ka muujiyay Doorashada Soomaaliya (Video)

Madaxweynaha Maamulka Khaatumo Cali Khaliif Galleyr ayaa muujiyay in uu walaac ka qabo Arrimaha Doorashooyinka Soomaaliya.

Mr Galleyr ayaa  shaaca ka qaaday in xilligaan aysan suuro gal ahayn in ay qabsoontoo Doorasho Xalaal ah sida uu hadalka u dhigay.

“ waxaan ka cabsi qabaa in Ammaanka faraha uu ka baxo inta lagu guda jiro Doorashooyinka” ayuu yiri Cali Khaliif Galleyr.

Waxaana uu  u cuskaday walaaca Amni ee doorashooyinka uu ka qabo  in haddii Hoteelada ay wax ka dhacaan aanu jirin wax daba gal ah oo meesha  looga tago kiis kasta oo Amni sida uu yiri.

Dhinaca kale mar Shabelle ay wax ka weydiisay Cali Khaliif Galleyr Wadahadallada dhawaan uu maamulkiisa la  furay Soomaaliland ayuu sheegay in taasi ay ka dambeysay kadib markii Soomaaliland  ay aqoonsatay Khaatumo sida uu hadalka u dhigay.

“  Xasan Sheekh oo ah Madaxweynaha Soomaaliya Galmudug oo 1 Gobol iyo Bar ah wuxuu ku dhisay Hantida Qaranka, Shacabka Reer Khaatumo oo 2 Gobol ahna waa dayacay dheguhuuna ka fureestay” sidaas waxaa yiri Mr Galleyr.

Si kastaba dalka ayaa ku guda jir marxalad kala guur ah iyadoona la isu diyaarinayo Doorashooyinka Baarlamaan iyo kan hoggaanka dalka intaba.