(August 24,2016) Xukuumadda Soomaaliya oo u diyaar garowday marti gelinta shir madaxeedka IGAD

Xukuumadda Soomaaliya ayaa sheegtay inay u diyaar garowday marti gelinta shir madaxeedka IGAD oo horaanta bisha September ka dhici doona magaalada Muqdisho.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya C/salaan Cumar Hadliye ayaa sheegay in diyaar garow xooggan ay u galeen marti gelinta shir madaxeedka IGAD, isagoo xusay in meel ka mid ah magaalada Muqdisho lagu qaban doono.

“Waa u diyaar garownay marti gelinta shir madaxeedka IGAD, qaban qaabo ayaa ku jirnaa, in Muqdisho ay yimaadaan Madaxda IGAD oo lagu qabto shir madaxeed, si aan Caalamka u tusno in Muqdisho ay tahay meel la tagi karo”ayuu yiri Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya.

Sidoo kale waxaa uu sheegay in meel fiican ay marayaan qorshaha lagu sugayo ammaanka Muqdisho, si weyn ay dowladda isaga xil saartay sida uu yiri.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa dhowaan sheegay in 5-ta bisha September uu Muqdisho ka dhici doono shir madaxeedka IGAD, isagoo Jimcihii la kulmay wafdi ka socday IGAD oo uu kala hadlay qaban qaabada shir madaxeedka.

Soomaaliya ayaa isu diyaarineysa doorashooyin bisha October ee soo socota, iyadoo go’aanada ka soo bixi doona shir madaxeedka IGAD la filayo inay qeyb ka noqdaan doorashooyinka iyo marxalada kala guurka ah ee Soomaaliya galeyso kadib 10-ka September, xilligaasoo uu ku eg yahay waqtiga Madaxweyne Xasan Sheekh.

Sanadkii hore 2015 ayay aheyd markii magaalada Muqdisho lagu qabtay shirka Wasiiradda Arrimaha Dibadda IGAD.