(August 25,2016) Ciidamada Iran oo soo qabtay markab Mareykanku leeyahay

Dhawaan ayaa doomo dagaal oo dheereeya oo Iran leedahay waxay soo qabteen markab Mareykan laga leeyahay.

Mareykanka ayaa maraakiibtiisu kusoo xadgudbaan marin biyoodka Hormuz oo dhaca biyaha badda ee Iran. Asbuucaan gudihiisa ayaa dhacdadaan ugu dambeysay ay dhacday.

Iran ayaa aad u damacsan inay saamayn ku yeelato Khaliijka iyo Shaam intaba ayadoo dagaalka Suuriya uu ku lug leeyahay. 

Xukuumada Washington ayaa haatan ka walaacsan dhaqdhaqaaqa Iran ay ka wado Khaliijka iyo saamaynta Iran ee Suuriya iyo dagaalka ka socda.

Iran ayaa aad uga shakisan Mareykanka oo had iyo jeer maraakiibtiisa dagaalku ay imaadaan marinkeedaa.

Mareykanku wuxuu aad uga walaacsan yahay taageerada dawlada Iran siiso Bashar al-Asad, waa madaxweynaha Suuriya.

Dalka Iran ayaa shiico u badan tahay Asadna waa nin Shiici ah. Iran ayaa sidoo kale saacida shiicada dalka Ciraaq.