(August 24,2016) AMISOM oo sheegay in ay fashilinayaan weeraro Al Shabaab ay la damacsan yihiin Goobaha Doorashooyinka

Ururka Midowga Africa ayaa mar kale ku celiyey in Ciidamada Somalia ay kala shaqeyn doonaan dhinaca Sugida Amniga Dalka xilliga ay dhacayaan Doorashooyinka oo ku beegan bilaha soo socda.

Ku xigeen Wakiilka Midowga Africa ee Somalia Lydia Wanyoto ayaa xustay in Midowga Africa  ay hada diyaarinayaan qorshaha sugida Amniga si looga hortago weeraro Al Shabaab ay ku qaadi karaan goobaha Doorashooyinka Dalka.

Wanyoto ayaa intaasi ku dartay in iskaashi wanaagsan in uu dhex maro Ciidamada AMISOM iyo kuwa Dowladda Somalia ay ka dhigantahay in laga hortagi karo weerarada Al Shabaab ayna  doonayaan in ay ku carqaladeeyaan Doorashooyinka Somalia.

Taliyaha Ciidamada AMISOM ee Somalia Gen Cismaan Subagle oo ka qayb galay kulan looga hadlayey xoojinta Amniga dalka ayaa xusay in ay diyaarinayaan qorshooyin cusub oo ku fashilinayaan duulaano ka yimaada dhinaca Al Shabaab  oo dirir xoogan kula jira  Dowladda Somalia iyo Ciidamada  ka socda Midowga Afruca ee ku sugan Somalia.

Madaxweynaha Somalia Xasan Sheekh Maxamuud  ayaa dhawaan ka codsaday Ciidamada AMISOM  iyo kuwa Dowladda Somalia in ay wax ka qabtaan Amniga goobaha ay ka dhacayaan Doorashooyinka dalka.