(August 25,2016) Dood ka dhalatay Amar Faransiiska ku soo rogay Dharka Dabaasha (Burkini) ee ay xirtaan Dumarka Muslimiinta – VIDEO

Dalka Faransiiska waxaa ka taagan dood ka dhalatay amar Magaalooyinka qaarkood ay kusoo rogeen Dumarka Muslimiinta ee ku dabaasha xeebaha kuyaala magaalooyinkaasi .
Haweenka Muslimiinta ee ku dabaasha xeebaha dalka Faransiiska ayaa lagu soo rogay amar ah in aysan xiran karin dharka dabaasha ay inta badan xirtaan haweena Muslimiinta ah.

Maxkamadda ugu sarreysa dalka Faransiiska ayaa darsaysa in ay sharci tahay iyo in kale xayiraadda magaalooyinka dalka Faransiiska ay ku soo rogeen dharka ay dumarku ku dabaashaan.
Dooda xayiraadan dumarka Muslimiinta lagu rogay ayaa cirka gashay kadib markii Warbaahinta lagu soo bandhigay ciidamo booliis ah oo xeeb ku taala magaalada Nice dharka dabaasha uga siibaya haweeney Muslim ah.

Maxkamado kuyaala magalaooyin katirsan dalka Faransiiska iyo Masuuliyiin kale ayaa taageeray goa’nkan lagu soo rogay Dumarka Muslimiinta ee Dabaasha u taga xeebaha dalka Faransiiska.
Sharcigan cusub ee dumarka Muslimiinta lidiga ku ah ayaa yimid kadib markii Weerarada ay kooxaha Islaamiyiinta ka geestaan dalka Faransiiska ay kordheen mudooyinkii dambe dad badan lagu dilay dalkaasi.