(August 25,2016) War Deg Deg Ah : Qaraxyo iyo Weerar Toos ah oo lagu qaaday Baar Kuyaala Xeebta Liido

Waxaa goordhaw Xeebta Liido ee magaalada Muqdisho ka dhacay qaraxyo xoogan oo loo maleenayo in ay yhiin Ismiidaamin , waxaana qaraxyada kadib goobtaasi laga maqlayaa rasaas loo maleenayo in la is weedaarsanayo.

Warar Horudhac ah oo soo baxaya ayaa sheegaya in rag hubeesan ay galeen dhismaha Maqaayad lagu magacaabo Banaadir Beach , waxaana halkaasi laga maqlayaa rasaas la is weedaarsanayo .

Ciidamo katirsan dowlada Soomaaliya gaar ahaan kuwa Nabad Sugida Qaranka ayaa gaaray hotelka la weeraray iyo guud ahaan aaga Xeebta Liido, waxa ayna Ciidamada isku dayayaan in ay soo afjaraan Weerarka lagu qaaday Hotellka ku yaala xeebta Liido..