(August 26,2016) Booliska Magaalada Calgary ee Dalka Canada oo Ogolaaday in Dumarka Boliiska ku jira ay xidhan karaan Xijaabka

Booliska magaalada Calgary ee dalka Canada ayaa ogolaaday in dumarka ka shaqeeya laamaha booliska ay xidhan karaan xijaabka ,taasi oo looga gol-leeyahay in dumar badan oo muslimiin ah ay shaqada boolis-nimada ku soo biiraan.

Calgary ayaa ku biirtay Edmonton iyo Toronto oo horey talaaabadan u ansaxiyay ,waxaana hadda ka dib uu xijaabka kamid noqon doonaa dharka lagu aqoonsado dumarka muslimiinta ah ee booliska la shaqeeya.

“Sharcigan waxaa la ansixiyay sanad ka hor ,waayo waa ay yarayd gabdhaha muslimiinta ah ee shaqadan soo dalbanaya, balse hadda ka dib waxaan rajaynayaa in ay dhacdo ,ma jiro waqti badan oo aan khasaarin-no “ ayuu yir Rob Patterson oo kamid ah booliska Calgary.

Rob oo mas’uul ka ah kormeeridda dharka booliska ayaa sheegay in markii hore ay jirtay walaac laga qabay bad-baadada xijaabka ,balse hadda ay gacanta ku hayaan horumarinta naqshada uu noqon doono xijaabka ay adeegsanayaan dumarka booliska ah.

“ Waxaan is tusnay in xijaabka lagu ceejin karo qofka xidhan , waxaana hadda aan ka shaqaynaynaa sidii aan u heli lahayn naqshad amniga qofka aan waxba u dhimanaynin “ ayuu mar kale yiri Patterson.

Magaalada Halifax ayaa dumarka loo ogolyahay adeegsiga xijaabka hadii ay soo codsadaan halka booliska magaalada Vancouver uu arintan tix-galin gooni ah siinayo ,iyada oo kaliya lagu xirayo amarka taliska sare ee booliska

Qaar kamid ah dumarka ku jira booliska magaalada Ottowa ayaa ogolaansho u haysta xirashada xijaabka ,iyadoo mid kamid ah dumarka booliska ah ee magaalada ay isticmaasho sheeladda madaxa lagu xirto, taasi oo dhiiri-galin u noqon karta dumar badan.

Ugu danbayn,booliska Calgary ayaa sheegay in arintan la ogolaaday ka dib kulamo lala qaatay bulshada musliimiinta ah ee ku nool Calgary ,isla markaana go’aankan uu daba-socdo mid uu booliska Edmonton dumarka ugu ogolaaday in ay istimaalaan xijaabka sanadkii 2013-ka.