(August 26,2016) Gaari walxaha qarxa lagu soo rakibay oo lagu weeraray saldhigga booliiska ee magaalada Cizre ee dalka Turkiga – VIDEO

Gaari waxyaabaha qarxa lagu soo rakibay ayaa lagu weeraray saldhigga booliiska ee magaalada Cizre ee dalka Turkiga waxaana ku geeriyooday 11 ruux oo booliis ah waxaana ku dhaawacmay 78 ruux.

 Ra’iisalwasaare Bin Cali Yildirim ayaa weerarkaas ku eedeeyay ururka la mamnuucay ee PKK, wuxuuna wacad ku maray in uu bixin doono jawaabta ay u qalmaan.

Magaalada Cizre ayaa dhawr jeer oo hore loogu soo rogay xukunno dagdag ah bilihii u dambeeyay iyada oo dawladda Turkigu ay la dagaalamaysay ururka PKK.

 Ururada xuquuqda aadanaha u dooda ee Qaramada Midoobay ayaa dalbaday in baaritaan lagu sameeyo eedaymaha sheegaya in in kabadan boqol ruux la gubay iyaga oo gabaad ka dhiganaya dhisme dhulka ka hooseeya oo ku yaalla magaalada Cizre, magaaladaas ayaa u dhaw xadka uu Turkigu la wadaago Suuriya