(August 26,2016) Tarsan “Hal qof lacag kama xadi karo Bankiga Dhexe ee waa wax la isla ogyahay”

Maxamuud Axmed Tarsan oo ah Musharax u taagan xilka Madaxweynaha ayaa walaac ka muujiyay lacagta la sheegay in laga xaday Bankiga Dhexe ee Soomaaliya, iyadoo arrintan ay aheyd mid todobaadyadii la soo dhaafay la hadal hayay.

Guddoomiyaha Bankiga Dhexe Bashiir Ciise Cali ayaa sheegay in lacag gaareysa $530,000 laga xaday Dekeda Muqdisho, isla markaana uu lacagtaas xaday Khasnajigii Bankiga Dhexe.

Siyaasiga Maxamuud Axmed Tarsan oo wareysi siiyay Idaacada Risaala ayaa sheegay in aanay macquul aheyn in hal qof uu lacag ka xado Bankiga, ayna tahay wax la isla ogyahay.

“Bankigaas lacag lagama xadi karo, waa wax la isla og yahay, waa arrin la maldahay mana aaminsani hadalkaas, hal nin iyo labo nin wax ma xadi karaan”ayuu yiri Tarsan.

Waxaa uu sheegay in arrintan ay tahay in si deg deg ah loogu ciqaabo Madaxda Bankiga Dhexe, isla markaana xil ka qaadis lagu sameeyo, hadii kalena ay is casilaan.

“Waa in xilka laga qaado Guddoomiyaha Bankiga Dhexe iyo kuxigeenadiisa, waxay arrintan ku dhacday waa hoggaan xumo, iyaga ayaa mas’uuliyada qaadaya oo loo ciqaabayaa, waa in la xir xiraa dhamaan mid kasta oo ku lug leh, arrintan dhacday waa wixii ay ku bur burtay dowladdii Dhexe ee Siyaad Barre hoggaaminayay”ayuu yiri Maxamuud Axmed Tarsan.

Ninka la tuhunsan yahay inuu lacagta ka xaday Bankiga Dhexe ayaa lagu magacaabaa Muxiyadiin Xasan Santuuni, waxaana la sheegayaa inuu dalka ka baxsaday.

Dowladda Federaalka ayaa wali faah faahin rasmi ah ka bixin qaabka loo xaday lacagta, inkastoo Guddoomiyaha Bankiga Dhexe uu xusay in qaabka lacagtaas loo xaday ay aheyd in Khasnajiga uu lacago been abuur soo dhigay, mida rasmiga ahna la baxay sida uu yiri.

Arrintan ayaa ku soo aadeysa, iyadoo dhowaan doorasho la qabanayo, waxaana horay looga digay inay dhacdo lunsasho hantida qaranka inta lagu guda jiro doorashooyinka.