(August 26,2016) Dawladda Talyaaniga oo xaalad dagdag ah in laga hirgaliyo goobaha ugu daran ee uu saameeyay dhulgariirkii – SAWIRO

Dawladda Talyaaniga ayaa ku dhawaaqday xaalad dagdag ah in laga hirgaliyo goobaha ugu daran ee uu saameeyay dhulgariirkii Arbacadii dhacay iyadoo ay sii lumayso rajadii laga qabay in la helo dad nool oo horleh.

Rai’sal wasaare Matteo Renzi ayaa ku yaboohay 50 milyan oo oo lacagta Yuuroo da ah si loogu adeegsado dib u dhiska.

Ilaa iyo hadda waxaa la ogyahay in ay dhinteen 267 ruux ayna dhaawacmeen 400 ruux.

Kooxo dad ah ayaa habeenkii labaad sii wada baaritaanada ay ka samaynayaan burburka dhismayaasha hoostiisa.

Sikastaba ha ahaatee boqolaal ruxitaan oo dhulgariirka ka dambeeyay ayaa caqabad ku noqday dadaaladii ay wadeen 5,000 shaqaalaha gurmadka dagdaga ah.

Dhul gariir kale oo cabirkiisa lagu qiyaasay 4.7 oo dhacay qaybihii hore ee maanta oo jimce ah.

Lacagahaas uu Renzi balanqaaday ka sokow wuxuu joojiyay in canshuuro laga qaado dadka ay waxyeeladu soo gaartay wuxuuna bilaabay hannaan cusub oo loogu magacdaray “Guryaha Talyaaniga”, si wax looga qabto guryaha taxadar la’aanta loo dhiso.Dawladda Talyaaniga ayaa ku dhawaaqday xaalad dagdag ah in laga hirgaliyo goobaha ugu daran ee uu saameeyay dhulgariirkii arbacadii dhacay iyadoo ay sii lumayso rajadii laga qabay in la helo dad nool oo horleh.

Dadka deegaanku waxay seexanayeen macbad Yahuudeed
 
Dhisme dhan oo burburay
 
Qaar ka mid ah shaqaaluhu waxay isticmaalayeen gacmahooda