(August 27,2016) Shir madaxeedka Japan iyo Afrika oo Nairobi ka furmay

Ra’iisal-wasaaraha dalka Japan, Shinzo Abe, ayaa ballan qaaday in uu qaaradda Afrika gelin doono 30 bilyan oo doolar oo gargaar ah marka la gaaro 2018-ka.

Abe wuxuu sheegay in u jeedadu ay tahay in sare loo qaado xiriirka ganacsiga ee dalkiisu la leehay Afrika.

Hadalkan wuxuu ka jeediyay billawga kullan madaxeed laba maalmood socon doono oo looga hadlayo xiriirka Japan iyo Afrika oo ka socdo magaalada Nairobi.

Waa markii ugu horreysay oo kullankan lagu qabto meel ka baxsan Japan.

Shinzo Abe waxaa safarkan ku wehliyo illaa iyo 75 qof oo ka tirsan ganacsatada waaweyn ee dallkiisa.

Waxaa wakhtiyadii dhawaa sii kordhayay ahmiyadda ay qaaraddu u leedahay Japan.

Shiinaha iyo Japan ayaa tartan xooggan ugu jira ganacsiga Afrika, balse midda uu shiinuhu la leehay Afrika ayaa seddeed jeer ka badan kan Japan.

Waxaa jira dalal cusub oo tartankaas ku soo biiray sida Turkiga. Dalka Japan wuxuu hadda mudnaanta siinayaa tayada wxyaabaha uu u soo dhoofiya qaaradda.

Shiinaha ayaa dhinaca kale caan ku ah in uu suuqyada Afrika ku soo harqiyo alaabo qiimo jaban.