(August 27,2016) Dagaal Khasaare sababay oo ciidamada Dowladda Soomaaliya iyo Shabaab Gedo ku dhexmaray..

Sida ay sheegayaan wararka inaga soo gaaraya Gobolka Gedo ee Koonfurta Somaliya dagaal u dhaxeeyay ciidamada Shabaab iyo Xoogaga Dowladda ayaa ka dhacay Deegaano ka tirsan Gobolka Gedo.

Dagaalka ayaa wuxuu ka dhacay Deegaanka Suraya oo Qiyaastii Degmada Buurdhuubo u jirta 10-KM, waxaana dagaalkaan uu yimid, kadib markii dagaalyahanada Shabaabka ay soo weerareen ciidanka.

Ciidanka Dowladda ayaa xilliga dagaalka uu dhacaayay waxa ay ku guda jireen howlgalo ka dhan ah Shabaab oo ay ka wadeen duleedka deegaanka Suraya.

Guddoomiye ku xigenka dhanka arimaha Bulshada Degmada Buurdhuubo C/raxmaan Cali Guuled, ayaa sheegay dagaalkaasi in Khasaare lagu gaarsiiyay Shabaabka.

Wuxuu sheegay Afar ruux dhankooda inay ka dhaawacmeen, kuwaasi oo dhaawacooda loo qaadayo Magaalada Baydhabo.

Deegaanka lagu dagaalamay ayaa waxaa gacanta ku haayo Ciidamada Shabaabka, inkastoo Saraakiisha ay sheegeen inay isku diyaarinayaan qaadista dagaal rogaal celis ah.

Comments