(August 28,2016) Ciidamada Nabad Suggida oo caawa Degmada Xamar Weyne ku qabtay gaari laga soo buuxiyay walxaha qarxa – SAWIRO

Gaarigan oo noociisu uu ahaa Kaarib, ayay hay’adaha ammaanku ku qabteen afaafka hore Iskuulka Xaawo Taako ee Degmada Xamar Weyne ee Gobolka Banaadir.

Ciidamada Nabad Suggida, ayaa waxay xireen wadooyinka soo gala goobtii looga tagey gaarigaasi, iyadoona ay ka soo dejiyeen fuusto laga soo buuxiyay walxaha qarxa.

C/fitaax Cumar Xalane, Afhayeenka Maamulka Gobolka Banaadir oo shir jaraa’id ku qabtay halkaasi, ayaa xaqiijiyay in ciidamadu ku guuleysteen kala fur furidda qaraxaasi.

“Gaarigan waxaa ku daba joogay Ciidamada Nabad Suggida, waxay baacsanayeen nimankii watay oo kaga cararay inta u dhaxeyso Iskuulka Xaawo Taako iyo Saldhiga Afar Irdood.” Ayuu yiri Afhayeenka.

Afhayeenka, ayaa yiri “Xogtiisa waala haayay gaarigan, waxayna Ciidamada Nabad Suggida ku guuleysteen inay ka furaan qaraxii saarnaa.”

14724074140218b.jpg

147240741997736.jpg

1472407423d8572.jpg

147240742672684.jpg

147240742859e36.jpg

1472407429d4587.jpg

1472407430b68e5.jpg

1472407431a957f.jpg

1472407432f3b47.jpg