(August 28,2016) Madaxweynaha Dalka Jabuuti oo ku baaqay in la xoojiyo amniga Afrika

Madaxweynaha jabuuti, Mudane Ismaaciil Cumar Geelle, ayaa ku baaqay in la dardar geliyo adekeynta amaanka Qaaradda Afrika si ay  u gaarto’ ayuu yiri’  horumar dhaqan dhaqaale oo dheellatiran.

Mudane Gelle oo khudbad dhinacyo badan taabanaysay ka jeediyay  Shir Madaxeedka 6-aad ee Iskaashiga waddamada Afrika iyo Japan  oo lagu qaabtay magaalada Nayrobi ee dalka Kenya, ayaa sheegay  in 20 kii Sano ee la soo dhaafay Afrika ay u  qabsoomeen waxyaabo badan ee la xiriira xalinta mashaakiil badan oo ka dhashay  dagaallo saamayay qaar ka mid ah Dawladaha Afrika una dirtay Ciidamo nabad ilalin ah.

Dhanka kale, Madaxweynaha Jabuuti wuxuu kaloo sheegay inay jiraan xadgudbyo iyo caqabado badan oo hortaagan horumarka iyo koritaanka dhaqaalaha Afrika, wuxuuna  soo jeediay in si wadajir ah looga qeyb qaato ciribtirka kooxaha xaqjirka ah ee hubeynsan.

Madaxweynu wuxuu intaa raaciyay inuu dalkiisu si ficil ah kaalin muq leh uga qaadan doono Ergada Midowga Afrika u soo dirtay nabad ilalinta Soomaaliya, wuxuuna soo jeediyay in la abuuro xarun Goboleed qaabilsan la dagaalanka argagixisada.

Ugu dambeystii Madaxweyne Ismaaciil Cummar Gelle, wuxuu khudbadiisa ku soo gabagabeeyay dadaalka uu dalkiisu ugu jiro horumarinta dhaqaalaha wadaniga ah iyo  Tamarta, wuxuu cadeeyay inuu ku haminayo inay Jabuuti sanadkan 2020 isku filnaasho xagga Tamarta dabiiciga ah ay higsan doonto