(August 28,2016) Ciidamo kamid ah xooga dalka Soomaaliya oo Muqdisho tababar loogu soo xiray – VIDEO

Munaasabadda tababarka loogu soo xirayey cutubyo katirsan ciidamada xooga dalka Soomaaliyeed, gaar ahaan ciidanka Danab waxaa ka qeyb galay saraakiil katirsan ciidamada xooga dalka Soomaaliyeed oo uu ugu horeeyey taliyaha ciidamada Xooga General Maxamed Aadan Axmed iyo xubno kale.

Ciidamadan oo uu tababar uga socday mudo  dugsiga tababarka ciidanka ee General Dhaga-badan ee magaalada Muqdisho ayaa goobta kusoo bandhigay gaada kacayaar iyo xirfado kale oo muujinayey sida ay ugu diyaar garoobeen difaaca dalka.

Taliyaha ciidamada xooga dalka Soomaaliyeed General Maxamed Aadan Axmed oo halkaasi kula hadlay ciidanka, ayaa sheegay in ciidankan oo kamid ah Danab ay u diyaarsan yihiin sidii cadowga ay uga difaaci lahaayeen dalka, isagoo ciidankana kula dar daarmay in si daacad ah ugu adeegaan dalka.

Ciidamada Danab oo kamid ah xooga dalka ayaa horey ugu guuleystay howlgalo dhowr ah oo ay ku bartilmaameedsanayeen horjoogayaal iyo maleeshiyaad katirsan Al-shabaab