(August 28,2016) Madaxweynihii hore ee Galmudug C/qaybdiid oo ka digay dagaal ka dhaca Gaalkacyo..

Cabdi Xasan Cawaale (Qaybdiid) Madaxweynihii hore ee Maamulka Galmudug ayaa wuxuu ka digay dagaalo ka dhaca Magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobolka Mudug oo ay wada degan yihiin labo Maamul oo jaar ah.

Qaybdiid ayaa sheegay xaaladaha ka taagan Magaalada Gaalkacyo ee u dhaxeeya Galmudug iyo Puntland muhiim inay tahay wixii kala tabasho ah inay isugu yimaadaan wada hadal oo ay xaliyaan.

Waxa uu sheegay dadka shacabka ah ee Magaalada Gaalkacyo ku nool inaan dushooda, lagu dul dagaalamin, islamarkaana la eego dadkaasi maatida ah.

“Shacabka Gaalkacyo degan yaan dushooda lagu dagaalamin, xiisadaha waxa abuuraya waa in la iska daayaa, Galmudug iyo Puntland waa labo maamul oo deris ah wixii ay kala tabanayaan wada hadal haku dhameeyaan.” Ayuu yiri Madaxweynihii hore ee Galmudug.

Puntland ayaa amar ay soo saartay waxa ay gaadiidka uga mamnuucay inay u gudbaan Waqooyiga Magaalada Gaalkacyo, taasi oo keentay in hadalo kala duwan Galmudug ay ka bixiyaan.

Galmudug ayaa sidoo kale ku eedeysay maamulka Puntland ciidamo inays oo dhoobeen Waqooyiga Magaalada Gaalkacyo.