Madaxweynaha maamulka Koofur Galbeed-Soomaaliya Shariif Xasan Sheekh Aadan iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa gaaray magaalada Baraawe ee xarunta maamulkaasi.
Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa lagu wadaa in uu xariga ka jaro xarunta cusub ee madaxtooyada maamulka Koofur Galbeed ee dhowaan laga dhisay degmada Baraawe.
Degmada Baraawe oo ah magaalo xeebeed ayaa in muddo ah waxaa ka socday dhismaha madaxtooyada maamulka Koofur Galbeed Soomaaliya.
Maamulka Koofur Galbeed Soomaaliya waxaa xarun u ahayd oo si ku meel gaar ah uu u degnaa magaalada Baydhabo.