(August 29,2016) Xubin cusub oo lagu kordhiyey odayaasha dhaqanka ee soo xulidoona dhismaha Baarlmaanka cusub

Ayada shirkii Madasha Wadatashiga Qaran ee bishii June 23keedii lagu go’aansaday in 135 oday ay soo xulaan Baarlamaanka  cusub ee Soomaaliya  ayaa waxaa soo shaac baxday in xubin cusub lagu soo daray.

Warqad uu ku saxiixanyahay Guddoomiyaha Golaha Shacabka Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari kuna socota Guddoomiyaha Guddiga Heer Federaal ee Doorashooyinka Dadban ee Qaranka  ayaa lagu soo magacaabay Nabadoon Maxamed Axmed Xuseen (Shukri) in uu guddoomiye u noqdo guddiga dhaqanka ee beesha Reer-Aw-Xasan ee gobolada Hiiraan iyo Sh. Dhexe.

Nabadoon Maxamed Axmed Xuseen (Shukri) ayaa sida ku xusan warqadda wuxuu madax ka noqondoona howlaha la xiriira soo xuladda kursiga beesha Reer Aw-Xasan ee gobolada Hiiraan iyo Sh. Dhexe.

Tirada odayaasha dhaqanka ee soo xulidoona Baarlamaanka Soomaaliya ayaa markaa noqonaya 136.

Suldaan Maxamed Cabdi Cumar ayaa horay ugu magacownaa beesha Reer Aw-Xasan xulitaanka Beesha, laakin waxaa soo if-baxay in uu jiro cabasho la xiriirta beesha dhexdeeda, taas oo dhalisay in xubin cusub lagu daro odayaasha dhaqanka.

Ma cadda waxay guddiga doorashada Heer Federaalka ka yeelidoonaan arrintaan oo furi karta in xubno cusub oo kale lagu soo daro guddiga odayaasha dhaqanka ee loo xil saaray soo xulidda baarlamaanka cusub ee Federaalka Soomaaliya.