(August 29,2016) Shaqaalaha Garoonka Aadan Cadde oo dhigay Banaanbax ay uga cabanayeen Mushaar la’aan..

Shaqaalaha ka howlgala Garoonka Diyaaradaha ee Magaalada Muqdisho, ayaa dhigay Banaanbax ay  uga cabanayeen inaysan helin Mushaaraadkii ay xaqa u lahaayeen muddo dhowr bilood ah.

Banaanbax ay ku dhigeen Afaafka hore ee Garoonka Aadan Cadde ayaa waxa ay sheegeen in xuquuqdii Shaqaalaha ay lahaayeen ay meesha ka maqan tahay, taasina ay tahay mid Shaqaalaha aysan ku shaqeyn karin.

Mid ka mid ah Shaqaalaha Banaanbaxa dhigay ayaa sheegay in Masuuliyiinta Shirkada Favori ahmiyada ay siiyaan Shaqaalaha Ajaanibta, balse aysan wax ahmiyad ah siinin kuwa Somalida ah.

“Anaga xuquuqdii aan laheyn in muddo ah ma aynaan helin, waxaa taas ka sii daran Shaqaalaha waxaa ahmiyad weyn la siiyaa kuwa Ajaanibta ah ee ka howlgala Garoonka oo Bil kasta Mushaarkooda la siiyaa anagana nalama siiyo, waxaa kaloo ka cabaneynaa in qofka haysta Shahaadada Dugsiga Sare iyo kan haysta Shahaadada Jaamacada ay isku xuquuq yihiin.” Ayuu yir mid ka mid ah Shaqaalaha.

Masuuliyiin ka tirsan Kuwa Mamulka Garoonka Aadan Cadde ayaa ku soo baxay banaanbaxaasi, kuwaasi oo isku dayay inay xaliyaan Shaqaalaha, waxaana kulan hada u socdaa Shaqaalaha Banaanbaxa dhigay iyo masuuliyiinta Shirkada Favori