(August 30,2016) Dhalinyaro Baydhabo Ka Billowdey Socdaal Nabdeed Iyo Isdhexgalka Dhalinyarada – Dhegeysi

Magaalada Baydhabo waxa ku sugan dhalinyaro sheegay in ay iskood isu xilqaameen kuwaas oo halkaasi ka billaabay socod ay ugu magac dareen socdaalka nabadda iyo isdhex galka dhalinyarada.

Dhalinyaradan, oo markii hore ka soo ambabaxay Muqdisho, ayaa sheegay inay Baydhabo kula kulmeen qeybaha kala gaddisan ee dhalinyarada magaalada, kuwaas oo sidoo kale ka qeyb qaatay olole wacyigalineed oo oo ay ka mid yihiin dhinacyada tacbashada beeraha iyo nadaafadda.