(August 30,2016) Talyaaniga oo badbaadiyey 6 500 oo qof oo Tahriib ku socdey -VIDEO

Hay’adda ilaalada xeebaha Talyaaniga ayaa sheegtey in maalintii shalay ee Isniinta ay badaadiyeen 65oo oo qof, kadib ugu yaraan 40 hawlgal oo ka dhacay banaanka xeebaha dalka Liibya.

Dadka la badbaadiyey waxaa kamid ah ilmo yar oo jira 5 bilood iyo caruur kale oo aad u yar-yar, kuwaas oo lagu qaadey diyaarad lana geeyey isbitaal ku yaala Talyaaniga, sida laga soo xiganaya hay’adda MSF oo ka qayb qaadatey badbaadinta.

Dadka ugu badan ee la soo badbaadiyey maalintii Axadda oo gaaraya 1100 oo qof ayaa u badnaa Ereteeriya iyo Soomaaliya.

Sanadkan gudihisa waxaa soo gaarey xeebaha Talyaaniga 112 000 kun oo qof kuwaas oo ka soo talaabey Badda dhexe.

Talyaaniga aya sheegaya in tirada dadka tahriibta ah ee Badda dhexe isku soo qaadaya ka hor xiliga qaboobaha ay aad u sii badan doonaan marka la eego tirada diyaarka ah ee ku sugan xeebaha Liibiya.

Dadka tahriibta a ee ku sugan Liibya ayaa u badan dalalka Ereteeriya, Itoobiya, Soomaaliya iyo dalal kale oo Afrikaan ah.

Horseed Media