(August 30,2016) Sheekh Maxamuud Aw-Cabdulle Cariif oo dadka Somaliyed uga digay inay dhigtaan Xafladaha Dhalashada..

Sheekh Maxamuud Aw-Cabdulle Cariif oo ka mid ah culimadda Somaliyed ee ku sugan Magaalada Muqdisho ayaa wuxuu ka dadka Somaliyed uga digay inay dhigtaan Xafladaha Dhalashada, xilli muddooyinkii dambe Magaalada Muqdisho ay ku soo badanayeen dad dhiganaya Xafladaha Dhalashada.

Sheekha ayaa wuxuu sheegay Xuska Dhalashada qofka in laga soo minguuriyay dalalka ay ku nool yihiin Ajaanibta, islamarkaana xilligaan aanan loo baahneyn in Bulshada Somaliyed dhexdooda la keeno.

“Xafladaha dadka dhiganaayo ee laga soo qaybgalaayo waa Munkar,Diinta Islaamka raad kuma lahan qofka marka uu dhasho , maalinta 7-aad ayaa waxaa sunno ah in Waqlal loo sameeyo, Xafladaha Dhalashada ee la dhigto waxaa laga keenay meelaha gaalada ay joogaan.” Ayuu yiri Sheekh Maxamuud Aw-Cabdulle Cariif.

Sheekh Maxamuud ayaa sidoo kale sheegay isu ekeysiinta dadka Ajaanibta ah iyo sameynta ficilada ay sameeyaan oo kale inay tahay arin qatar ah oo loo baahan yahay inaysan ku deg degin dhalinyarada Somaliyed.

“Qolo qofkii isku shabaha dhaqankooda iyo wixii ay jecel yihiin la jeclaada, iyaga ayuu ka mid yahay, waxaa ka digayaa arrintaas, in la iska ilaaliyo waa dhaqan xumo, munkar ka imaanaya, waana wax aan shareecada Islaamka qabin”ayuu hadalkiisa ku sii daray Sheekh Maxamuud Aw-Cabdulle Cariif.

Muddooyinkii dambe Magaalada Muqdisho waxaa lagu qabanaayay Xaflado noocooda loogu yeero “U Dabaal degida Maalinta Dhalashada” taasi oo Bulshada Somaliyed aysan horay  u sameyn jirin, balse muddooyinkaan dambe ay sii kordheyso arintaasi.