(August 30,2016) Safaaradda Soomaaliya ee Washington oo beenisay in ay ogolaatay dib u soo celinta dadka codsigooda magangelyo la diiday

Xaflad lagu soo dhoweynayay safiirka Soomaaliya u fadhiya magaalada Washington ee dalka Mareykanka Axmed Ciise Cawad,  ayaa lagu qabtay magaalada Columbus ee gobolka Ohia ee dalka Mareykanka, taas oo ay soo qaban qaabiyeen jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku nool gobolka Ohio ee dalkaas.

Xafladda ayaa sidoo kale waxaa dadkii ka qeybgalay kamid ahaa danjirihii Soomaaliya u fadhiyi jirey dalka Mareykanka xilligii dowlada militiriga aheyd ay ka talineysay Soomaaliya C/kariim Cali Cumar, isagoo jaaliyadda Soomaaliyeed ku booriyay in ay la shaqeeyaan safaaradda Soomaaliya.

Qaar kamid ah dadkii ka qeybgalay xafladda soo dhoweynta ahayd ayaa waxaa ay sheegeen in ay ku faraxsan yihiin in danjiraha Soomaaliya uu soo booqdo dadka Soomaaliyeed ee ku nool magaalada Columbus ee gobolka Ohio.

Danjire Axmed Ciise Cawad oo munaasabadda ka hadlay ayaa waxaa uu ku dheeraaday waxqabadka safaaradda Soomaaliya ee dalka Mareykanka, isagoo beeniyay wararka sheegayay in safaaradda Soomaaliya ogolaatay in dhalinyarada sharci la’aanta ku jooga dalka Mareykanka dib loogu soo celiyo Soomaaliya.

“Anaga qof Soomaali ah ma ni raahno hala celiyo waan jeclaan laheyd in la aqbalo, anaga ayaa wax badan isku qoonsanay waa in aan ku sinaanaa sharciga” ayuu yiri danjire Cawad.

Danjiraha ayaa dhanka kale  sheegay in safaaradda ay bilowday bixinta baasaboorka Soomaaliga ah isla markaana ilaa iyo hadda ay bixisay in ka badan 60 Baasaboor.

Mudane Axmed Ciise Cawad safiirka Soomaaliya ee dalka Mareykanka ayaa waxaa uu xusay in Baasaboorka Soomaaliga dowladda Mareykanka aysan aqoonsaneyn isla markaana codsi u direen si ay u aqoonsadaan ayna meel wanaagsan mareyso howshaas.