(August 31,2016) Qeybo ka tirsan suuqa xaafada Islii ee Nairobi oo maanta xiran – DHEGEYSI

Cabasho ganacsi la xiriirta awgeed ayaa maanta waxaa xiran qeybo badan oo ka tirsan suuqa weyn ee xaafada Islii. Dukaamo badan ayaa maanta aan la furin oo xiran. Ganacsatada ayaa waxaa ay cabasho ka keeneen in dawlada hoose ee Nairobi aysan khadamaad badan siin xaafadaa oo wax sidaa u buuran aysan ka qaban halkaa oo hawlo ah gaar ahaan nadaafada.

Sidoo kale ayaa jidadku waxay noqdeen kuwo ciriir iyo zaxmad miiraan ah maadaama warato aad u badan ay jidadka ku ganacsadaan qaarna hareeraha jidadka. Go’aan kasoo baxay guddiga ganacsiga ee xaafada Islii ayaa lagu go’aanshay in laga bilaabo maanta ganacsiyada waaweyn ay xirnaadaan 3 maalmood.

Si kastaba ha ahaatee, waxaa arinkaan u sabab ah dhibaatooyinkaa iyo kuwo kale oo isbiirsaday sida tuugo dhac bareer ah geysta iyo gawaarida oo si aan munaasab ahayn jidadka loo dhigo. Islii ayaa in badan lagu tilmaamaa in uu yahay suuqa ugu weyn ee canshuurtu kasoo xarooto walow khadamaatka dawlada inay ku yar yihiin laga cabanaayo .