(August 31,2016) Musharaxa Xisbiga Jamhuuriga Donald Trump oo booqasho ku tagaya Mexico

Ka hor inta uusan maanta jeedin khudbad uu ku sharxayo siyaasaddiisa socdaalka, ayaa musharaxa madaxtinimada Mareykanka ee xisbiga Jamhuuriga Donald Trump waxa uu dalka mexico kula kulmi doonaa madaxweynaha dalkaas Enrique Peña Nieto.

Xafiiska madaxweyne Nieto ayaa sheegay inuu Trump iyo musharaxa xisbiga dimoqraadiga Hillary Clinton labadaba ku casuumay wada-hadallo ku saabsan xiriirka labada dal ee deriska ah.

Nieto ayaa sheegay inuu rumeysan yahay in wada-hadal sare loogu qaadi karo danaha Mexico, islamarkaana lagu badbaadin karo dadka Mexican-ka ah meel kasta oo ay joogaan.

Illaa iyo hadda ma jiro wax jawaab ah oo kasoo baxay Hillar Clinton oo ku saabsan inay aqbashay casuumadda wada-hadal iyo in kale, hase yeeshee xafiiskeeda ayaa ku dhalleeceeyey Trump hadalladiisii hore ee ahaa “In Mexico ay Mareykanka usoo dirto dad wax kufsada iyo dambiilayaal”

Trump ayaa horey u sheegay inuu xuduudda Mareykanka iyo Mexico ka dhisi doono darbi kala qeybiya labada dal, si loogu hortago dadka soo galootiga ah, lacagta darbigaas lagu dhisayana ay bixin doonto Mexico.

Madaxweyne Nieto waxa uu sheegay in taas aysan marnaba dhici doonin.