(August 31,2016) War Deg deg ah Dagaal Khasaaro Gaystay Oo ka Dhacay Duleedka Ceellahelay Ee Lughaya

Hal qof oo ka tirsanaa ciidamada xaqudirirka  ee ku sugan  lughaya ayaa ku dhaawacmay kadib markii dagaal mudo kooban socday uu ku dhex maray dooxa Biji ee degmada lughaya ciidanka ciidanka maamulka Hargeysa ee loo yaqaano RRU oo dib uga ruqaansaday magaalada ceel la helay iyo maleeshiyo duulaan ku ah isla ceel la Healy.

dhaawaca ninkan ayaa waxa shabakada u xaqiijiyay dadka degaanka oo kusugan degmada lughya waxana ay sheegeen in dagaalkani dhacay kadib markii ciidanka RRUda oo ka guuray ceel la helay oo ku gabaday dooxo kayn ah ay xanado ku fureen rag maleeshiyo ah oo u socday dhinaca ceel la helay si ay uga hortagaan diiwaangalinta qasabka ah.

ma jiraan wax war ah o laga helayo dhinaca maamulka Haregysa iyo wax qasaare ah oo dhinacooda jira balse waxa xusid mudan in degaanka bariga lughaya oo dhan laga qaxay saansaanta colaadeed ee ka jirtana ay tahay mid ay xabadu qoriga afkiisa ka baxi karto markasta.

Waxii warara ee kasoo Kordha Deegaankaasi kala Soco Shabakada

Heemaalnews

Maxamed Bili bili