(August 31,2016) Hogaamiyaha Kuuriyada Waqooyi oo ka takhalusay mid ka mid ah Wasiiradiisa

Hogaamiyaha Kuuriyad Waqooyi Kim jong-il, ayaa amar ku bixiyay in  la dilo ku xigeenka R/wasaraha dhinaca Tacliinta dalkaasi ,kadib markii uu ixtiraam ugu muujin waaye kulan Madaxtooyada Biyo-Yaang ka dhacyay.

Masu’ul ka tirsan Ka tirsan Xukuumadda Kuuriyada koonfureed, ayaa Wakaladda Wararka Islaamka Iina u sheegay  in Hogaamiyaha da’da yar ee Waqooyi Kuuriya uu khasab uga dhigay  masu’uliyiinta dalkaasi marka uu la kulmayo inay u khashuucan, balse Wasiirka la dilay uu isagu arrintaasi ka madax adeegay, waxana lagu dhuftay qoriga Baasuukah loo yaqaan.

Tan iyo sanadkii 2011kii oo ku aadaneyd markii uu hogamiyaha waqooyinka Kuuriya abihii geeroyooday uu xukunka ka dhaxlay, waxa u dil ku fuliyay masuuliyiin bdan oo ka tirsan Xukuumdda Biyo-Yang.