(August 31,2016) Wasiirka caafimaadka oo sheegay in dadka qaba dhaawacyada halista ah loo qaadi doono dalka dibadiisa

Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay in dadkii shalay ku dhaawacmay weerarkii xoogganaa ee Hotel SYL loo qaadi doono dalka dibadiisa kuwa aadka u daran.

Hadalkaani ayaa waxaa ku dhawaaqay wasiirka caafimaadka ee xukuumadda Soomaaliya Maxamed Xaaji Cabdinuur (Madeer) oo tilmaamay in dadka dhaawacyadooda halista yihiin si deg deg ah loogu qaadi lahaa dalka dibadiisa.

Wasiirka ayaa bogaadiyay howsha dhaqaatiirta Soomaaliyeed iyo dadaalka ay u galeen bad baadinta dadkii shalay ku dhaawacmay qaraxii shalay.

“Dadka dhaawacyada halista ah ee dalka gudihiisa waxba looga qaban karin waxaa isku dayaynaa in dalka dibadiisa loo qaado, wixii awooda dowladda ahna ee gargaarka dadkaas ma hagran doono”ayuu yiri Wasiirka Caafimaadka.

Sidoo kale Wasiirka ayaa sheegay in si deg deg ah dadka dhaawacyadooda halista yihiin dalka dibadiisa loogu qaadi doono.

Qaraxii xoogganaa ee shalay ka dhacay banaanka Hotelka SYL ayaa waxaa ku dhintay dad ku dhow 30-ruux, halka tiro intaa ka badan ku dhaawacmeen, waxaana uu ka mid ahaa qaraxyadii ugu xooganaa ee soo mara Muqdishi