(August 31,2016) Maraykanka oo doonaya inuu xabd joojin dhex dhigo Turkiga iyo Kurdida Siiriya

Dowlada Maraykanka ayaa sheegtay in xabad joojin la dhex dhigayo ciidamada Turkiga ee gudaha u galay wadanka Siiriya iyo Jamhada Kurdida Siiriya ee YPG.

Ciidamada Turkiga ee gudaha u galay dalka Siiriya Arbacadii lasoo dhaafay ayaa maalmihii u danbeeyey dagaalo dhexmareen jamhada Kurdida Siiriya ee loo yaqaan YPG. Xukuumada Turkiga ayaa todobaadkii hore shaacisay in ay si siman ulla dagaalami doonto Kurdida iyo kooxda Daacish, kana sifeyn doonto xaduuda ay la wadaagto Siiriya.

Militariga Turkiga ayaa kusii siqaya deegaano badan oo ku yaal Waqooyiga Siiriya isla markaana saaran xadka Turkiga si ay halkaasi uga saarto xoogaga Kurdida ee YPG oo iyagu taageero ka hela dowlada Maraykanka.

Maraykanka oo ay xulafo yihiin Turkiga ayaa sidoo kale kasoo horjeeda in Militariga Turkiga burburiyo maleeshiyaadka Kurdida ee uu u adeegsado la dagaalanka kooxda Daacish, halka Turkiga ay ka walaacsan yihiin in mustaqbalka kooxahaasi Kurdida ay dowlad madax banaan uga dhawaaqaan dhulka daacish laga saaro ee waqooyiga Siiriya arrintaasi oo khatar ku keeni karta Turkiga oo weli xal u helin xiisada Kurdida ku dhaqan gudaha wadankiisa gaar ahaan dhulka koonfurta iyo Bariga ee u dhaw xaduuda dalalka Ciraaq iyo Siiriya.

 

Afhayeenka Aqalka Cad ee Maraykanka Josh Earnest oo shalay shir jaraa’iid qabtay ayaa warbaahinta u sheegay in Jamhada Kurdida ay aqbashay xabad joojin iyo inay hakiso dagaalka ay kula jirto Turkiga, isla markaana diirada la saaro la dagaalanka Daacish. Hase yeeshee Turkiga ayaan weli ka hadlin xabad joojintan kasoo yeertay Washington.

Hal askari ayaa uga dhintay ciidamada Turkiga Sabtidii lasoo dhaafay kadib markii ay gantaalo ku dhufteen maleeshiyaadka YPG gaadiidka dagaalka oo ay wateen ciidamada Turkiga.