(August 31,2016) Xildhibaan Cabdiqaadir Jibriil Tukaale Oo Maamulka Hargeysa Uga Digay in Diwaan-galinta la Geeyo 6da Goobood Ee ka Degmada Lughaya.

Xildhibaan Cabdiqaadir Jibriil Tukaale, oo ka tirsan Xildhibaanada Golaha Wakiilada, kana soo jeeda Gobolka Awdal, ayaa sheegay in Xukuumaddani ku fashilantay taladdii dalka, waxaanu tilmaamay in Sharcigii iyo Dastuurkii dalka jabisay.

Xildhibaan Cabdiqaadir Jibriil Tukaale oo warbaahinta Hargaysa la hadlay ayaa yidhi “Waxaynu dawlad iyo dal ku nahay kala danbayn iyo ixtiraam, Sharci iyo Dastuur baynu leenahay, waxaad se mooda in Xukuumaddani Sharcigii iyo Dastuurkii jabisay, oo baal martay, maxaa yeelay Xukuumaddihii hore ee dalka soo maray wey ka hor tagi jireen oo wey joojin jireen waxyaabaha ay u arkaan in khilaaf ka dhalanayo oo ay dadka iska hor keenaya, waxay ka talin jireen maslaxada shacabka, oo waa Deeganada uu Madaxweyne Daahir Rayaale Kaahin uu ka joojiyey in Doorashooyinku ka dhacaan si aan dhibaato uga dhicin, oo aanu dhiig ugu daadan, ayey Xukuumaddani doonaysa in Diiwaangelin iyo Doorashooyin ka dhacaan, waxa u haboonayd inta ay Xukuumaddu ku fikirayso in Diiwaangelin iyo Doorashooyin laga qabto, in muranka halkaas ka taagan si toos ah u gasho oo wax ka qabato, oo waliba dib u eegto kala xadayntii iyo xuduudaha dalka”.

Xildhibaan Cabdiqaadir Jabriil Tukaale mar uu ka hadlaayey hadal uu dhawaan yidhi Wasiir ku xigeenka amnigu ayaa yidhi “Wasiir ku xigeenka Amnigu waxa uu yidhi Ciidan baa la gaynayaa Deeganadaas, isaga oo ku hanjabaya Ciidanka Qaranka, waxaan leeyahay Ciidanka Qaranku waa Ciidankayagii, oo waa Ciidankii Somaliland difaacayey, maaha inaad ku faanto oo aad ugu faanto dadka reer Somaliland, anigu ka Xildhibaan ahaan dadka reer Somaliland waa iskugu kay mid, oo waxa dhab ah oo cidina aanay dafiraynin in Caasimadda Somaliland tahay Hargeysa, oo ay xukunto xaruna u tahay guud ahaan Gobolada iyo Magaalooyinka Somaliland ha ahaatadan Boorama, Burco, Laascanood, Berbera, Ceerigaabo iyo Magaalooyinka iyo Deeganada dalka oo dhan, anigu anigoo ah Xildhibaan ka soo jeeda Gobolka Awdal marnaba ma doonayo in Gobolka Awdal dulmi wax lagu siiyo, mana doonayo in dulmi wax lagaga qaado, sidoo kale Gobolada kale ee dalka waa ii sidaas, ee muhiimada kowaad ayaa ah in Xukuumaddani iyadu u muuqato mid doonaysa inay khilaaf abuurto”.

Xildhibaan Cabdiqaadir Jibriil Tukaale ayaa mar uu ka hadlaayey Xukuumaddihii kala duwanaa ee dalka soo maray ayaa yidhi “Madaxweyne Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal iyo Madaxweyne Daahir Rayaale Kaahin, waxay ka xishooodeen ayey Xukuumaddan Axmed Siillaanyo ku kacday oo ah in Deegaano la isku haysto ay tidhaahdo Diiwaangelin iyo Doorashooyin ayaanu ka qabanaynaa, nasteex iyo wanaag baanu wadnee ee waxaanu leenahay intii halkaas dhib ka dhici lahaa, aad ha looga feejignaado, oo Xukuumaddu ha ka fiirsato intaanay qaadin talaabo khaldan.”