(August 31,2016) Garoonka diyaaradaha Muqdisho oo maalintii ay ka soo degaan illaa 40 diyaaradoo oo isugu jira duulimaadyo gudaha dalka iyo kuwa caalamka – SAWIRO

Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho ayaa ka mid noqonaya garoomada diyaaradaha ugu mashquulka badan Geeska Afrika, iyadoo uu ka soo kabanayo bur burkii.

Garoonka diyaaradaha ayaa ka mid ahaa kaabayaasha dhaqaalaha ee ku bur buray dagaaladii sokeeye, garoonka ayaa xirnaa muddo 17-sano ah, iyadoo dib loo furay sanadkii 2006-dii markii Midowgii maxkamadaha islaamka ay la wareegeen Gobolada Koofurta iyo bartamaha Soomaaliya, xilligaasoo ay ka saareen Hoggaamiye kooxeedyadii.

Dad badan ayaa aaminsan in garoonka diyaaradaha Muqdisho uu sameynayo horumar ballaaran oo la mid ah garoomada caalamiga ah, iyadoo sanadkii hore la dhisay Terminal cusub oo lagu soo kordhiyay garoonka diyaaradaha.

Garoonka diyaaradaha Muqdisho ayaa maalintii waxaa ka soo dega illaa 40 diyaaradoo oo isugu jira duulimaadyo gudaha dalka iyo kuwa caalamka.

Maalmaha Jimcaha, Axada Talaadada iyo Arbacada ayaa ah maalmaha ugu mashquulka badan, iyadoo maalmahaas garoonka daqiiqad daqiiqad ay u soo dagaan diyaarado kala duwan.

Maalinta jimcaha oo kale ayaa waxaa garoonka soo dega illaa labo kun oo qof, halka kun qof kale ay ka soo dhoofaan, sida ay xaqiijiyeen Saraakiisha garoonka diyaaradaha.

diyaarado diyarado1 diyarado2 diyarado6 diyarado7