Qaar ka mid ah dadkii ku dhaawacmay qaraxa Ex-Koontarool ayaa loo qaaday TurkigaLahaanshaha sawirkaSONNA
Image captionQaar ka mid ah dadkii ku dhaawacmay qaraxa Ex-Koontarool ayaa loo qaaday Turkiga

Sida ay sheegtay hay’adda sirdoonka Soomaaliya ee NISA, madaxda Soomaaliya waxaa loo gudbiyay warbixin “hordhac ahayd oo la xiriirtay qarixii Ex-Koontarool”.

Weerarkaas waxaa ku dhimatay in ka badan 80 qof oo u badnaa shacab, sida ay sheegeen hay’adaha gurmadka.

Qaraxa wuxuu Sabtidii ka dhacay isgoyska mashquulka badan ee isku xira Muqdisho iyo qaar ka mid ah gobollada Koonfurta Soomaaliya, waa midkii labaad ee dhimashada ugu badan sababay ee dhacay seddaxdii sano ee la soo dhaafay gudahood.

Ma jirto koox sheegatay masuuliyadda, laakiin Madaxweyne Farmaajo wuxuu ku eedeeyay ururka Al-Shabaab, oo si joogto ah weerarro uga fulisa caasimadda.

Barta Twitter-ka ee NISa waxay qortay: “Waxaan madaxda qaranka ugudbinay, warbixin bilow ah oo tilmaamaysa in Xasuuqii Shacabka Soomaaliyeed loogu gaystay Muqdisho, 28-Dec-2019, uu qorshayntiisa lahaa Dal shisheeye”.

“Baariitaanka socda si loo dhamaystiro, waxaan la kaashan doonnaa Hay’adaha sirdoonka Caalamka qaarkiis.” ayey ku sii dartay, in kastoo aysan magacaabin dalka lagu eedeynayo qaraxaas.

Presentational white space

Weli waxaa Muqdisho ka socda gurmadka loo fidinayo dadka ay waxyeellada ka soo gaartay qaraxaas.

Guddiga Gurmadka ee loo aasaasay weerarkii Ex-Koontarool ayaa sheegay in la helay 12 ka mid ah 24-ka qof ee la la’aa.

“Shan wey dhinteen, mid waa dhaawac, lixda kalena way fiican yihiin”, ayaa lagu xoray Wakaaladda wararka dowladda ee SONNA.

Sidoo kale, Milatariga Mareykanka ayaa sheegaya in afar ka mid ah mintidiinta Al-Shabaab ay ku dileen duqeymo ka dhacay gudaha Soomaaliya.

War qoraal ah oo ka soo baxay taliska ciidamada Mareykanka ee Afrika ee AFRICOM ayaa lagu sheegay in duqeymahaasi oo lala kaashanayay dowladda Soomaaliya lala eegtay laba bartilmaameed oo ku yaal gudaha Soomaaliya.

AFRICOM waxay sheegtay in ilaa afar ka tirsan mintididinta Al-Shabaab lagu dilay duqeymahaasi oo ka dhacay deegaannada Kuunya-barrow iyo Caliyoow Barrow oo ka tirsan gobolka Shabeellaha Hoose.

“Duqeymahaasi muhiimka ahi ayaa lala eegtay mintidiinta Al-Shabaab ee mas’uulka ka ah falalka argagixisnimo ee ka dhanka ah shacabka aan waxba galabtsan ee Soomaaliya…,” ayaa lagu yiri qoraalka AFRICOM.

“Mareykanka iyo dowladda Federaalka ee Soomaaliya waxay sii wadi doonaan in ay cadaadiska ku kordhiyaan ururka argagixisada ahi, si loogu diido in uu helo awood uu (ururkaasi) ku soo maleego weerarro argagixisnimo.”

Ex-koontarool sawir laga qaaday maanta qaraxa ka dibLahaanshaha sawirkaSNTV

Waxay ahayd dhacdo kale oo argagax leh oo soo marta dadka reer Muqdisho kuwaas oo dhibane u noqday qaraxyada aan dhamaadka lahayn ee ku soo noqnoqnayay magaalada 10-kii sano ee ugu dambeeyay.

Waxay galaafteen nolosha dad aad u badan, kuwa kalena waxaa ka soo gaaray dhaawacyo halis ah oo saameeyay noloshooda oo dhan.

Waxaa halkaas ku yaalla kastam canshuuraha lagu qaado, waana meel subixii aad u mashquul badan oo ay isaga gudbaan gawaarida dadweyna, kuwa ardeyda, gawaarida isaga kala gudubta qeybo ka mid ah gobolada Koonfurta dalka iyo Caasimada Muqdisho taas oo keentay inay halkaas ka dhacdo musiibo dad badan galaafatay.

Daawo: Goobta uu qaraxa ka dhacay ee Muqdisho

Qof goobjoog ahaa ayaa yiri: “Halkaan musiibo ballaaran ayaa ka dhacday, aniga indhahayga waxaan ku arkay dad badan oo midba meel ku dhacay, qaarkood hilbohooda ayaan ka soo gurnay”.

Meydad badan ayaa inta la is garab dhigay lagu guray gawaarida gurmadka. Burbur baaxad leh, gawaari badan oo gubatay iyo waxyaabo laga argagaxo ayaa goob kasta daadan iyadoo weli la la’yahay dad kale.

“Miyirkii dhan baa iga tagay markaan arkay meydadkii ardayda iyo dadkii kale oo ku waxloobay”, ayuu yiri goobjoogahaas.

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ka tacsiyeeyay dhacdadaas wuxuuna yiri: “Argagixisadu waxay xasuuqeen shacabka, cadawtinnimo ayayna u hayaan horumarka dalka”.

“Maanta waa maalin murugo badan oo muujineysa sida argaixisada ay bartilmaameed uga dhigteen shacabkeenna. Waxaan tiiraanyada la wadaagayaa qoysaska dadkii naga shahiiday, waxaana Alle uga rajaynayaa inuu noo bogsiiyo dhaawaca,” ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay madaxtooyada Villa Somalia.

BBC oo booqatay qoyskii qaraxa Soobe lagaga dilay Maryam