Bankiga dhexe ee Soomaliya oo Go’aan Culus ka qaatay Xisaabta Shirkadaha Forex (Video)

Bangiga dhexe ee Soomaaliya ayaa soo saaray Warqad uu ku amrayo Bangiyada gaarka loo leeyahay ee dalka in ay xidhaan Xisaabaadka u furan Sharikadaha ka ganacsada Sarrifka Internetka ee loo yaqaan FOREX.

Warqad ka soo baxday Bangiga dhexe kuna saxiixantahay Guddoomiye ku xigeenka Bangiga dhexe ee Soomaaliya Maryan Cabdullahi Yuusuf, ayaa sidoo kale lagu armay Bangiyada gaarka loo leeyahay in ay Bangiga dhexe u gudbiyaan lacagaha ay u hayaan sharikadaha ku shaqeysta Sarrifka Internetka ee FOREX.

Guddiga dhexe ee Maamula Bangiga ayaa lagu sheegay in uu 28kii October 2019 kulan ka yeeshay arrintan islamarkaana gaadhay go’aankan, hayeeshee warqadda ayaa loo diray Bangigada gaarka loo leeyahay 23kii Bishan oo ku beegan Isniintii shalay ahayd.