Madaxii Sirdoonka ee dalka Kenya oo Loosoo Magacaabay Gobolka Soomaalida [Warbixin]

Nairobi ( Awdalstate) Madaxweynaha Dalka Kenya ayaa Madaxii Sirdoonka Dalkaas  Nicodemus Musyoki Ndalana u magacaabay madaxa amniga Gobolka Soomaalida ee ay maamusho Kenya.

Nicodemus Musyoki Ndalana, ayaa xilkan kala wareegay Maxamed Biriq oo muddo sanad ah hayay xilkaas,waxaana sidoo kale uu mas’uul ka noqonayaa sugidda amniga Sohdinta Soomaaliya iyo Kenya.

Amniga Gobolka Soomaalida ee ay Maamusho Kenya ayaa xumaaday wixii ka dambeeyay markii ay Ciidamada Kenya galeen gudaha Soomaaliya sanadkii 2011kii xilligaas oo ay doonayeen in ay AL-shabaab ka sifeeyaan degaannada ku dhow sohdinta Kenya.

Todobaadyadii la soo dhaafay dad ku dhow 30 qof ayaa lagu dilay weerarro kala duwan oo ay Al-shabaab ka fuliyeen Wajeer, Gaarisa iyo Mandheera.

Dadka ugu badan ee la beegsaday waxaa ay ahaayeen Ciidamada Amaanka Kenya oo Gaadiid ay la socdeen Qaraxyo loo dhigay halka kuwo kalena lagala degay Gaadiidka dadweynaha kaddibna la toogtay.

Madaxweynaha Kenya ayaa dhacdooyinkaas kaddib ku dhawaaqay in uu tallaabo adag ka qaadayo AL-shabaab islamarkaana isbeddel dhinaca amaanka ah ka hirgelinayo Gobolka Soomaalida.

Xigasho: Kalshaale