BBC oo aragtay xaqiiqada dhabta ah ee haysata Muslimiinta Rohingya (Sawiro)

Dad gaaraya 300 oo kun oo ka qaxay gobolka Rakhina galayna dalka Bangaladesh labadii isbuuc ee la soo dhaafay ayaa waxay ka qaxeen degmooyinka Maungdaw,Buthidaung iyo Rathedaung,

Deegaanadan wey adag tahay in la gaaro wadooyinka oo liita iyo waliba ruqsad ay tahay in laga qaato dowladda. Weriyayaashuna inta badan ma tagaan halkaasi.

Weriye BBC-da ka tirsan ayaa sii raacay safar ay dowladdu soo agaasintay oo weriyayaal maxali ah iyo kuwo ajaanib ahba ay ku kaxaynaysay.

Safarka waxa kaliya ee aad arkayso waa inta ay dowladu kuu ogoshahay inaad aragto, balse mararka qaar waxaan arkaynay waxyaabo kale. ayuu yiri weriyuhu.

Inkastoo dowladdu ay ku doodayso dood in la dhagaysto mudan, hadana waxaa jira iska caabin dagaal oo ay wadaan jabhada Rohingya. Mishkilada Rohingya waa mid taariiq dheer leh. Weyna adag tahay in dowladu ay la tacaasho.

Weriyha BBC-da Jonathan Head oo safarkan la socday waxuu yiri ‘Markii aan gaarnay caasimadda Sittwe ee gobolka Rakhine waxaa nalagu amray inaan keli keli u soconin oo aan kooxda la joogno’.

Magaaladda waxaa ka jirra Bandow bilaabanaya lixda maqribnimo, sidaasi darteed lama yaabi kartid waxa dhaca fiidka ka dib.

Waxaan codsanay inaan booqano goobaha aan danaynayno balse waa nalaga diiday. Waxaana jiray walwal ay ka qabeen amaankeena.

Inta badana safarka gobolkan Myanmar ku yaalla waa mid adag oo dhoobo iyo wabiyo doomo badan leh looga gudbo.Safarkii aan kaga baxnay ayuu yiri weriyuhu ‘ Magaalada Sittwe ilaa Buthidaung waxuu nagu qaatay lix sacaadood’.

Waxayna weriyayaashani sii mareen tuulooyin la gubay. Xitaa waxaa dab la qabadsiiyey geedaha sida weyn loo xurmeeyo ee Palm.

Ujeedada ay dowladdu ka lahayd safarkeenan waa in la isu dheelitiro dacaayadaha ku saabsan qaxootiga Rogingya ee gallay dalka Bangaladesh. Qaxootigaasi waxay ka waramaan si qasad ah burburka ay gaystaan meleteriga Mynamar.

Waxay sidoo kale qaxootiga qaxaya ay sheegaan falal xadgudub ku ah bani’aadanimada.

Balse dacaayadaasi waxaa ka hortag looga dhigay hadalo ay sheegeen qoysas Hindu ah oo ku barakacay iskuul ay weriyayaashu booqdeen.

Qoysaskani waxay saxaafada u sheegeen in la soo barakaciyay oo muslimiintu ay soo weerareen.

 

Sidoo kale Hindida u qaxday dalka Bangaladesh ayaa sheegay inay soo weerareen Buudiistayaasha Rakhina oo waxaa lagu tilmaamay inay aad ugu egyihiin muuqaal ahaan qowmiyada Rohingya

Iskuulkan ay weriyayaashu booqdeen waxaa joogay ciidan boolis ah iyo saraakiil kale. Balse su’aashu waxay tahay dadkani si xor ah ma u hadli karaan ?

Mid ka mid ah dadkaasi ayaa nooga sheekeeyey sidii ay ciidanka ku weerareen tuuladiisa. Isla markiiba waxaa saxay oo hadalka u toosiyey qof kale oo agtaagnaa.

Haweeney kale oo gashanayd shaati midabkiisu jaale yahay ayaa si xamaasadaysan uga sheekaysay sidii ay u galeen dagaalamayaasha Muslimiinta.

Ka dib waxaa weriyayaasha loo kaxeeyey Macbad ay Buudistayaasha leeyihiin. Waxaa joogay wadaad noo sharxay sida muslimiintu ay u gubeen tuulooyinka. Waxaa nala tusay sawiro muujinaya iyagoo falkaasi samaynaya. Cajiib ayayna ahaayen

Sawirada waxaa ka muuqday rag gashan koofiyado oo dab qabadsiinaya saqafka guryaha iyo waliba haween madaxa ku xirtay maryaha miiska la saaro oo wax gubaya. Balse waxaan markii dambe aan ogaanay in sawiradan la been abuuray oo dadkani ay yihiin kuwo loo ekaysiiyey muslimiin wax gubaysa.

Waxaa kaloo aan waraysanay Col Phone Tint oo wasiir ka ah arimaha amaanka. Waxuu sharaxaad ka bixiyay sida maleeshiyada argagaxisada Bengali ‘ waa sida uu u sharxaye ‘ ay ula wareegeen deegaanada Rogingya. Waxuu sheegay in maleeshiyaadkaasi ay ku qasbeen dadka in dagaalame walba la siiyo hal guri cidii diidana guryaha laga gubo.

 

Sarkaalkani waxaa uu maleeshiyadaasi ku eedeeyey inay miinooyin dhulka geliyeen ayna burburiyeen buundooyin.

Sarkaalkan ayaa la weydiiyey in guryaha la gubay ay maleeshiyada Rohingya gubeen. Waxuu ku jawaabay inay go’aanka dowladdu uu sidaasi yahay.

Tiro yar oo muslimiin ah ayaa ku aragnay magaalada Maungaw. Balse wey ka cabsadeen inay nala hadlaan

Waxaa kaloo ay weriyayaashu la hadleen dad ay ciidanku u diideen inay dariskooda ka tagaan cunto yarina waa ay dhacday.

Wiil dhalinyaro ah ayaa sheegay inay doonayeen inay gallaan dalka Banagalaesh balse ay madaxdoodu heshiis la galeen dowladda si ay u sii joogaan.

Suuqa Bengali ayaa nin joogay waxaan weydiiyey waxa uu ka cabsanayo.

 

Waxuu sheegay inay ku socdeen magaaladda xeebta ku taalla ee Alel Than Kyaw. Waxaa halkaasi soo weeraray maleeshiyada Arsa loo yaqaano 25-kii bishii Augast. Waxuu sheegay inay arkeen tuulooyin badan oo cidlo ah. Doomo iyo xoolo aysan cidna la joogin.

Deegaanka Alel Than Kyaw waa la burburiyay. Xitaa goobihii caafimaadka oo ku yaallaan astaanka hay’ada MSF.

Dhinaca waqooyi waxaa ka muuqday qiiq iyo uuro. waxaana laga maqlayaa qaraxyo iyo rasaas darandoori ah.waxayna u egtahay in tuulooyin la gubayo.

Weriyaha BBC-da ee booqday deegaanka ayaa sheegay markii ay ka soo tageen magaaladaasi inay arkeen wax aysan u fadhiyin.

Waxaa qiiq uu ka kacay geedihii. Waxay ahayd tuulo kale oo gubanaysay. Ka dib weriyuhu waxuu sheegay inay wada qayliyeen dadkii gaariga saarnaa ayna ka carareen gaarigii ay wateen.ka dib waxaa loo sheegay weriyayaasha in tuuladaasi aysan amaan ahayn oo aysan gelli karin.

Waxaan isku daynayn ayuu yiri weriyihu inay ogaadaan waxa dhacay.waxaase nalaga hor istaagay inaan filim ka duubno. Mid ka mid ah dadkii aan aragnay ayaa sheegay inay iyagu tuullada dabka qabadsiiyeeen booliskana ay ku kaalmeeyeen arrinkaasi

Waxaa kaloo la arkayay dhismooyin madarasa ahaa oo dab la qabadsiiyey. Waxaana sidoo kale banaanka loo soo tuuray buugaag afcarabi ah.

Tuulada sidan loo galay waxaa la yiraahdaa Gawdu Thar Ya. Waxaa deganaa dad muslimiin ah. Waxaa gubay maleeshiyo u dhashay qowmiyada Rakhine. Waxaana la arkay iyagoo xitaa booliska dowlada ay iska daawanayaan. Waxayna bililiaqaysteen alaabtii tuuladda.

Deegaanada la gubayo waxaa ku dhow saldhigyo ciidanka dowladda ah, waxbana kama aysan qaban