Ciidamada Dowladda Soomaalya oo Degmada Dharkiinley ku qabtay Gaari dilal lagu fuliyay

Ciidamada Nabad Suggida Somaliya ayaa gacanta ku dhigay gaari maalmahan lagu fuliyay dilal qorsheysan oo ka dhacaayay Degmada Dharkiinley.

Hawlgal ciidamada ammaanka ay ka sameeyeen Degmada Dharkiinley ayaa waxaa suuragashay in la soo qabtay gaarigaan oo noociisa uu yahay NOAH, kaasi oo maalmahan ay wateen dabley hubaysan oo dilal kala duwan ka gaystay Dharkiinley.

Saraakiil ka tirsan Hay’addaha ammanka Dowladda ayaa sheegay in Saldhiga Booliska Degmada Dharkiinley in lagu soo bandhigaayo gaarigaan ciidamada ay soo qabteen.

Sabtidii iyo Axadii ayaa gaarigaan waxaa loo adeegsaday dilal qorsheysan oo ka dhacay Degmada Dharkiinley, iyadoo ay ku baxsadeen dableyda gaarigaan.

Ammaanka Magaalada Muqdisho ayaa maalmahan dambe wuxuu ahaa mid aanan wanaagsaneyn oo ay ka dhacayeen Magaalada falal lidi ku ah dhanka ammaanka.