Booliska Mareykanka oo Wareejiyey Meydka Daahir Axmed Aadan kaas oo tooray ku weeraray xarun ganacsi oo ku taala magaalada St Cloud ee gobolka Minnesota

Booliiska Mareykanka oo gacanta ku hayay Meydka Wiilkii Soomaaliga ahaa ee dhawaan weerarka tooreyda loo adeegsaday ka geesta xarun ganacsi oo kutaala magaalada St Cloud ee gobolka Minnesota ayaa lagu wareejiyay qoyskiisa.

Daahir Axmed Aadan, oo ahaa wiil dhalinyaro ah ayaa weerar uu ku dhaawacay 11-qof waxa uu ku qaaday xarun ganacsi oo kutaala magaalada St Cloud ee gobolka Minnesota, waxaana wiilkan weerarka kadibna goobtaasi ku toogtay sargaal katirsan ciidanka booliiska.

Booliiska ayaa wali wada baaritaano ku aadan weerarka uu ninkan geestay , waxaana booliiska baarayaan in weerarkan uu xariir la lahaa mid argagaxiso ayna ka dambeeyeen kooxda Islaamiga ee Daacish.

Meydka Daahir Axmed Aadan ay baaritaano ku sameeyeen booliiska ayaa ugudambeyn lagu wareejiyay qoyskiisa, waxaana la filayaa in dhawaan lagu aaso qabuuro ay muslimiinta ku leeyihiin gobolka Minnesota.

Aabaha dhalay wiilkan aya ahorey u cambaareeyay weerarka uu geestay wiilkiisa, waxa uuna iska fogeeyay in uu wax ka ogaa in wiilkiisa weerar qorsheenayo uuna dhibaato ugeesanayo dad shacab ah.