Ra’iisul Wasaaraha UK oo sheegtay sanadka soo socda marti gelinayaan shir looga hadlayo arrimaha Soomaaliya

Ra’iisul Wasaaraha UK Theresa May ayaa khudbadii u horeysay ka jeediyay Shirka golaha guud ee loo dhan yahay Qaramada Midoobey ee ka socda magaalada New York, iyadoo soo hadal qaaday kaalinta UK kaga jirto Arrimaha siyaasada iyo ammaanka Soomaaliya.

Theresa May ayaa sheegtay in Soomaaliya ay taageero la garab taagan yihiin laga soo bilaabo sanadkii 2010 illaa iyo maanta, waxaana ay cadeysay inay ka taageerayaan dagaalka ka dhanka ah Argagixisada iyo falalka xagjirnimo

“UK waxa ay garabtaagantahay sii wadida iyo xoojinta sidii argagixisada looga ciribtirlahaa geeska afrika gaar ahaan soomaaliya waxaana hadda Soomaaliya ka caawinay in dowladdu ay alshabaab kala wareegto magaalooyin waa weyn oo mihiim ah”ayay tiri Theresa May.

Ms May ayaa ku dhawaaqday in sanadka soo socda 2017 ay marti gelin doonaan shirweyne looga hadlayo arrimaha Soomaaliya, isla markaana dhaqaale loogu uruurinayo dib u dhiska Soomaaliya.

“Waxaan sanadka soo socda marti gelin doonaan shir caalami ah, si wax looga qabtao arrimaha dalka Soomaaliya iyo dalalka kale ee Geeska Afrika”ayay tiri Theresa May.

Theresa May ayaa sidoo kale sheegtay in Soomaaliya u dirayaan Ciidamo cusub oo dheeraad ah, si ay dowladda Soomaaliya iyo AMISOM uga caawiyeen sidii Al-Shabaab xididida loogu siibi lahaa.

Waxaa ay sheegtay in UK ay u dirtay Soomaaliya in ka badan 200 askari, kuwaasoo u badan La taliyeyaal milateri, iyadoo intaa ku dartay in xero milateri ay ka dhisanayaan magaalada Muqdisho.

Britain ayaa sanadihii u dambeeyay door ku laheyd arrimaha Soomaaliya, iyadoo sanadihii 2012 iyo 2013 marti gelisay shirar looga hadlayay Xaalada Soomaaliya.