Booliska Sweden oo sheegay in 4 qof ay ku dhaawacmeen toogasho ka dhacday magaalada Malmo

Booliska Sweden ayaa sheegay in 4 qof ay ku dhaawacmeen toogasho ka dhacday magaalada Malmo.

Waxa ay sheegeen in rag hubeysan oo watay mootooyin ay rasaas ku fureen gaari ay raacdeysanayeen.

Saddex ka mid ah dadka dhaawaca ah ayaa la sheegay in ay xaaladoodu wanaagsan tahay.

Booliska ayaa intaa raaciyay in ay falkan uga shakisan yihiin in uu yahay isku day dil.

Weriyayaasha ayaa sheegaya in sanadihii dambe ay soo badanayeen weerarrada hubeysan ee ka dhaca Malmo, kuwaasoo lala xiriiriyo khilaaf u dhexeeya kooxo burcad ah.