US iyo Ruushka oo Suuriya isku mari la’

Safiirka Maraykanka u qaabilsan Qaramada Midoobay, Samantha Power, ayaa ku eedeysay Ruushka in uu been ka sheegayo howlgalada uu ka wado Suuriya.

Waxa ay sheegtay in Ruushka aanu argagixiso kula dagaallameyn Suuriya, ee uu halkaasi ka wado falal arxan darro ah.

Samantha Power ayaa tilmaamtay in Ruushka uu dagaal buuxa ku qaaday xooggaga mucaaradka ah ee ka dagaallamaya bariga magaalada Xaleb, halkaasi oo laga yaabo in ay ka dhaceen dembiyo dagaal.

Balse safiirka Ruushka ee Qaramada Midoobay, Vitaly Churkin, ayaa ku eedeeyay mucaaradkaasi in ay sabab u ahaayeen burburka xabbad joojintii dhawaan la gaaray.

Wakiilka Suuriya ee Qaramada Midoobay, Bashar al-Jaafari, ayaa u sheegay golaha ammaanka in dalkiisa uu dagaal kula jiro argagixiso, uuna aakhirkii ka guuleysan doono.

Dhanka kale, weli waxaa sii socota duqeynta lagu hayo deegaannada bari ee Xaleb, halkaasi oo lagu soo warramayo in dad rayid ah ay ku dhinteen.

Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay, Ban ki Moon, ayaa cambaareeyay duqeymaha culus ee ay xukuumadda Suuriya iyo xulafadeeda ku hayaan bariga magaaladaasi.